November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Yaa ka dambeeya ururka argagixisada Daacish Maraykanku lug ma ku leeyahay iyo Sucuudigu

Sheekh Axmed Al Tayeb oo ah madaxa jaamacada weyn ee Al-azhar ayaa suaalo badan iska waydiiyay deg dega ay ku faaftey kooxda argagixisada weyn ee Daacish ama ISIL ee sida xawliga u qabsatay Ciraaq iyo Siiriya. Mar wax laga waydiiyay sababta ayuu sheegay sheekhu in qofka caadiga ah ee socda dariiqa wadamada carabta aanad ka dhaadhicinayn in Daacish iska timi.

Hubka Daacish ay hayso yaa leh ma carab ayaa lagu sameeyay ayuu is waydiiyay. Ururka Daacish ama ISIL ayaa waxay falsafad wadaagaan Sucuudiga kaliya Urur diimeedka Sucuudiga ayaa iyagu lacag ku faafiya sida ay u fahmeen diinta halka Daacish ay iyagu wataan buuga gaalaynta iyo xalaashiga dhiiga Muslimiinta.

Sheekh Axmed Al Tayeb ayaa wax laga weydiisay dilka ururka Daacish uu u geysanayo dadka aan haysan diinta Muslimiinta ee ku nool dalalka Ciraq iyo Siiriya. Imamku waxa uu sheegay in dadka Muslimiinta ah ee ay dileen Daacish ay ka badan yihiin kuwa aan Muslinka ahayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM