November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wararkii ugu dambeeyay gaari rasaas lagu furey duleedka Gaalkacayo

Wararka aan ka helaynoo duleedka magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in gaari maraayay rasaas lagu furey. Kooxda rasaasta furtey ayaa la sheegay inay goobta ka carareen, welli lama hayo sababta gaarigaas shacabka ah rasaasta loogu furey.



Dhawaan ayay ahayd markii Gaalkacayo lagu xasuuqay dad ka soo jeeda Koofur galbeed ilaa haddana dadkii gaystey aan la soo dhiibin.

Inta la xaqiijiyay ilaa saddex qof ayaa geeriyootay tiro intaasi ka badana waa ay dhaawacmeen. Gaatiga ayaa socdey deegaanka Saaxo.



Dadka magaalada ayaa dalbanaya in gacan bira lagu qabto dhiigmiiratada sharciga gacantooda ku qaatey, ayagoo halis gelinaya nolosha dadka. Waxa cadaalada dib u dhigey sheekada qabiilka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

ARAABINEWS