Waxa baryahanba ku xayirnaa dekedda Jiddah ee Sucuudiga Markab xoolo badan sidey oo ka baxay Berbera ee maamulka Somaliland. Markabkaas ayaan wadan ruqsada wasaarada ganacsiga ee dawlada dhexe ee Somaliya waxana Sucuudigu diidey inuu sii daayo.
Kadib dadaalo badan oo ay gashay dawlada Somaliya maadama markabkan ay saarnaayeen 20 kun oo xoolo nool ah raashinkuna ku yaraa ayaa loo dedejiyay ruqsada.
Sucuudiga ayaa kadib fasaxay in markabka laga dejiyo xoolaha ayadoo markabku ku sigtey in dib loo soo celiyo. Imaaraadka oo maamulka Somaliland ka codsaday inuu dhexgalo ayaa diidey.
Sucuudiga ayaa nacay in uu maamulo la macaamilo oo ganacsigu u soo maro wado rasmiya oo magac leh oo lala xisaabtyami karo.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay