21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xoolo dhaqato lagu xasuuqay deegaan ka tirsan Mudug

Wararka laga helayo degmada Jariiban oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen dad Xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa Deegaanka Docolo ee Koonfurta magaalada Balibusle ee degmada Jariiban gobolka Mudug,isla markaana ay dil iyo dhaawac gesyteen.



Goobjoogayaal ayaa sheegay in xilliga la weeraray dadkaas ay ku sugnaayeen gurigooda isla markaana maleeshiyaadka hubeysnaa ay dileen Saddex qof oo isku qoys ah halka mid kale ay dhaawaceen.



Dhacadaan oo dhacday habeen ka hore ayaa daba socotay weerar khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug, waxaana arrintaan sidoo kale loo aaneynaa arrimo la xiriira aanooyin qabiil.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS