12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Jabhadda xoreynta Khaatumo oo weerar ku qaaday xero ku taal Laascaanood

Jabhadda xoreynta Khaatumo ayaa weerar ku qaaday xero askareed oo ku taal Laascaanood oo ay maamulaan Somaliland. Taliyaha booliiska ee Laascaanood ayaa qirtey in weerar lagu soo qaaday wuxuuse beeniyay in Laascaanood dhexdeeda wax ka dhaceen.



Hogaamiyaha Khaatumo Faysal Fadaluug ayaa isaguna sheegay in ahayd iyaga kuwa weerarka ku ekeeyay.

Maaha markii ugu horeysay oo jabhadda xoreynta Khaatumo ay weerar ku qaadaan ciidanka maamulka Somaliland iyo taageereyaashiisa reer Khaatumo ah ee ku jira maamulkaas. Waxay kaloo fuliyaan weerarada ka dhaxa deegaanka Tukaraq.



Wararka madaxa banaan ma sheegin in weerarkan ay gaysteen Khaatumo uu ka dhashay khasaare waxayse u muuqataa jug-jug meeshaada joog.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS