12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixiso xasuuq badan gaystey oo sharciga la marsiiyay

Maxkamada ciidanka qaranka ayaa dil toogasho ah ku fulisay laba argagixiso oo gaystey xasuuq aad u badan. Dhiigmiiratadan sharciga la mariyay ayaa racfaan ka qaatay waxase markale lagu xukumay dil toogasho ah.



Labada nin ee la toogtey ayaa ku qoslaayay muslimiinta Somalida ah ee ay dhiigooda banaysteen xataa waxkale iska daaye waxay toogan jireen gawaadhida raaxada ah ee dadka shacabku wataan sidey iyagu sheegteen.



Waxa aad ugu farxay sharcigan la mariyay eheladii ay dadka ka xasuuqeen inkastoo ayna soo noqon doonin.

Qaraxyada iyo dilalka ay fuliyeen waxa ku naf waayay ku dhawaad 40 qof iska dhaaf inta laxaad beeshay marka aanay ka hadlin hantida burburtey oo xisaab la’aana.

Goobaha ay xasuuqa ka gaysteen waxa ku jirey qaraxii tiyaatarka iyo xasuuqyo gooni gooni ah oo farabadan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS