20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasaarada duulista oo sharaxdey heshiiska shirkada diyaaradaha ee Itoobiya ku timaad dalka

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdulaahi Oomaar ayaa sheegay inuu jiro heshiis u dhaxeeya Somaliya & Itoobiya oo ku saabsan dhanka Duulimaadyada ah, kaasi oo horay loo kala saxiiday 1988.

Wuxuu sheegay heshiiskaasi inuu dhigaayo in Diyaarada Itoobiya Airline ay si toos ah uga soo bixi karto Addis Ababa ayna u safri karto Magaalo ka mid ah dalka Somaliya, balse heshiiska uusan dhigeyn in Muqdisho ay ka baxdo oo Boosaaso ay u safarto.



Wasiir Maxamed ayaa sheegay kaliya in heshiiskaasi uu sidaasi dhigaayo, balse aysan jirin duulimaad Shirkadda Itoobiya Airline ay ka dhex sameyso dalka gudihiisa.

“Maya Diyaarada Itoobiya Airline waxa fasax u haysataa kaliya inay duulimaad uga soo baxdo Itoobiya gudihiisa oo ay ku tagto Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe.” Ayuu yiri Wasiir Maxamed.



Shirkadda Itoobiya Airline ayaa sanadkaan qaaday qaar ka mid ah xujeyda Somaliyeed, taasi oo Shirkadaha cabashada ugu wayn ay ka keeneen.

Labadan Magaalo ee ay ka dagato Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa waxaa loo ogol yahay kaliya marka ay ka duusho Addis ababa sida heshiiskaasi uu dhigaayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS