Liibiya–Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay dileen nin Aljeeriya u dhashay oo sanadii 2013 weerar ku qaaday xarun gaaska lagu sifeeyo oo taal Woqooyiga Aljeeriya halkaas oo ay joogeen shaqaale ajaaniba oo u shaqaynayay dawlada Aljeeriya. Waxay goobta ku xasuuqeen ilaa 40 ajaanib ah oo dawlada marti u ahaa una shaqaynayay.
Ninkan oo lagu magacaabo Belmokhtar wuxuu madax u ahaa urur argagixiso ah oo diinta ku qaraabta laguna magacaabo Alqaacida Maqrib ayaa lala eegtay gantaal isagoo jooga dalka burburey ee Liibiya magaalada Ajdabiya.
Maraykanka ayaa sheegay in ay si fiican u bixin doonaan faahfaahin dilka ninkan xasuuqey dad ajaaniba oo weerar ku ahayn Muslimiinta balse u joogey in ay ka caawiyaan arin muslimiin badan faaiido ka helayaan.
Argagixisada caalimiga ee aduunkasida ISIL, shabaab, Talibaan, Boko Xaraam ayaa subax walba daadiya dhiiga muslimiinta ama guryahooda ka barakiciya muslimiin farabadan oo ayna gaalo ka barakicin.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay