Serbiya–Dalka Serbiya ayaa ka cadhootay darbi ay dhisayso dalka Hangari oo lagu sheegay dherekiisa 109 mile. Hangari ayaa ku dhawaaqday qorshahan shalay taas oo dalka Serbiya ay sheegeen in si xun loola taliyay Hangari ayna sheegeen in qorshani shaqayn doonin.
Qoxooti aad u farabadan ayaa Hangari ka soo gala dalka fiqiirka ah ee Serbiya taas oo ay sheegeen masuuliyiinta Hangari in ay darbigan u dhisayaan.
Raiisal wasaaraha Serbiya oo aan rajaynayn in dalkiisu ku biiro Yurub ayaa sheegay in darbiga ay soo jeediyeen Hangari uu yahay mid laga xumaado ayna kala hadli doonaan dhinaca Hangari.
Hangari ayaa leh waxa sare u kacay qoxootiga nooga imanaya Serbiya oo la sheegay in ay yihiin qoxooti Muslim ah oo u dhashay Kosovo oo inta badan ku caydhoobey dagaaladii Serbiya ay ku qaaday.
Madaxda reer Yurub ayaa iyaguna cambaareeyay darbigan Hangari dhisayso sheegayna in darbigu xal ayna ahayn. Qoxootiga Kosovo ayaa loo arkaa mid dhaqaale doon ah ee ayna ahayn qoxooti dhaba.
Haddii Yurub darbiyo kala samaysato waxa dhimanaysa rajada ah in ay is dhex galaan oo cidkasta darbi samaysato waxa sidaas yiri masuul u hadlay Yurub.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay