Cilmigu sidiisaba xishood male qaasatan marka ay tahay shay waxba kama jiraan ka dhigaya salaad dhan oo aad u tabacdey RABI inagama dhigee. Raga kaadidu kama dhmaato aan fiirino xilliga ugu haboon ee laga istijoodo.
- Waxaa laga yaabaa inaad la yaabtaan waxa igu kalifay inaan wax ka qoro kaadida iyo xilliga layska mayro laakiin waxaan leehay wiilasha fadlan sii akhriya waa laga yaabaa inaad ka faaiideysato kadibna aad ku dhaqanto si salaadaadu u saxanto.
- Rasuulkeena (csw) waxa la tusay laba qof oo la cadaabayo wuxuuna yiri kuwana maxaa loo cadaabayaa waxa malagu …ugu jawaabey Kaadida ayayna iska hagaajin jirin. Hadaba waa sidee sida ugu fiican ee layskaga ilaaliyo kaadida qaasatan wiilasha.
- Waxaa la ogyahay in kaadida ragu harharto oo ayna dhamaanin. Hadaba waa goorma xilliga kaadida layska mayraa.
- Qofku markuu kaadi u dhaqaaqo kaadida xoogeedu markaaba way dhamaataa, haddii markaasi qaasatan wiilashu ay markaaba ku dhaqaaqaan inay iska mayraan waxa dhacaya in kaadidii ku hartay gudaha dhuunta caarka hore ay soo daadato, sidaana ku nijaasayso surwaalkiisa. Haddii uu salaad sidaa tukadana noqonayso in surwaalkiisu kaadi lahaa.
- Hadaba marka kaadida xoogeedu kaa dhamaado sug inta caarkaagu dib u wada noqonayo sida adiga oo kubad ciyaaraya ama imtixaan ku jira, ama ayna kugu jirin hamo dumar xilliyadaas oo xubnaha caarku dib u wada laabmaan.
- Xilliga kaadida xubnaha caarku way fidmaan taas oo keenaysa marka kaadida xoogeedu dhamaato in caarkii wali fidsanaan ku jiro, kaadina ku hayo dhuunta. Marka caarku caadi ku noqdo wuxuu soo tuurayaa intii ugu dambaysay ee ku hartay gudaha waana markaa kadib xilliga aad kaadida ka istijoon karto.
- Waxay kaloo ku xiran tahay qofka laakiin waxa haboon in la sugo mudadaas oo mararka qar qaadan karta 5 ilaa 8 miridh waxayna ku xiran tahay hadba sida caarku u nasto una dego una soo tuuro kaadida inta ugu dambaysa. Ugu dambayn hubi in kaadidu kaa wada dhamaatay.
- Wixii jaahil laga yahay diin ahaan layskuma haysto ilaa aad ka jaahil baxdo. Waxa kale oo jira wiilal taagni ku kaadiya haddii taas dhacdo iska ilaali in kaadidu ku soo duusho dharkaaga.
- Caruurnimadii waxaan arki jiray odayaal reer baadiye ah oo dhagaxaan caarka ku wata, waxyar kadibna tuura, taas waxay muujinaysaa markan dib u eego in odayadaasi xilli hore soo kaadiyeen oo ay sugayaan inay hubiyaan in kaadidu ka soo wada dhamaatay.
- Dhalinyaro badan oo aan la sheekaystay waxay ii sheegeen inayna hore u ogeyn, dhalinta badankiisuna arintan ka jaahil tahay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay