11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Horjooge Siciid Deni oo xirey xafiisyo shaqo oo wasaarada furteen

Horjoogaha Butlaan Siciid Deni ayaa xirey xafiisyo shaqo oo wasiirada Shaqada iyo qorsheynta Ka furteen gobolka Sanaag iyo Mudug. Wasiirada xafiisyada laga xirey ayaa ka soo jeeda gobolada Sanaag iyo Mudug. Wasiirka qorsheynta Jamaal ayaa isagu dhawaan Ka furey xafiiska shaqo degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.



Waxay u muuqataa in horjooge Siciid Deni ogolyahay keliya in beeshiisa xafiisyo furan Karto laakiin beelaha kale ee Ku magacaaban maamulka Butlaan ayna furan Karin ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho jooga.

Maaha markii ugu horeysay ee Butlaan diido in beelaha kale wax furan karaan ayuu raaciyay Cali Calasow.



Athayeen u hadley Siciid Deni ayaa sheegay inay xafiisyo siyaasadeed yihiin xafiisyada ay xireen. Horjooge Siciid Deni ayaan ogolayn fikradaha Kala duwan ee ay qabaan beelaha Butlaan degan, xafiisyada ay xireena ay muujinayso cida Ka taliso Butlaan ayuu ku soo koobay Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS