Nayroobi–Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kiiniya ayaa beri oo ay taariikhdu tahay 23-06-2015 si rasmi ah u shaqo bilaabi doono,ka dib markii ay dowlada Kiiniya qaaday xayiraadii saarneed inka badan mudo labo bilood ah.
Gudiga ay ku mideysanyihiin xawaaladaha soomaalida ee dalka Kiiniya oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa dadka soomaaliyeed u cadeeyay in dowlada Kiiniya ay qaaday xayiraadii saarneed xawaaladaha soomaalida oo ay si rasmi ah u shaqo bilaabeen,islamarkaana ay adeeg gaarsiin doonaan dadka u baahan.
C/Xakiim Axmed Xaashi oo ku hadlayay magaca gudiga xawaaladaha soomaalida ee dalka Kiiniya ayaa sheegay in dowlada Kiiniya ay wax danbi ah ku waysay xawaaladaha Soomaalida,ka dibna ay u soo celisay ruqsadii ay ku shaqeyn lahaayeen.
C/Xakiim Axmed Xaashi ayaa u sheegay dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan caalamka in wixii ka danbeyo bari lacagaha u soo diri karaan eheladooda joogo dalka Kiiniya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
![162[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/06/1621-300x169.jpg)
![172[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/06/1721-300x169.jpg)
![1112[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/06/11121-300x169.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay