23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dagaalyahaniinta Kurdiyiinta oo ay u muuqato magaalada ugu weyn ee cadowga muslimiinta ee Raqqa ee Siiriya

Dagaalyahaninta Kurdiyiinta ee reer Siiriya ayaa waxa u muuqda magaalada dadka ay ku qashaan cadowga muslimiinta ee ISIL ama Daacish iyagoo shalay gacanta ku dhigey magaalo kalabaydh ah oo kala jartey Raqqa iyo magaalooyinka Bariga Siiriya. Raqqa aya xarun u ah argagixisada caalamiga ah ee dubta dadka muslimiinta ah. Dadka magaaladaasi ayaan hadli Karin wayna ka qaxeen intii awoodi lahayd.

Argagixisada ayaa la arkayay iyagoo dhufeyso qodonaya goob aan magaalada sidaa uga fogeyn. Dagaalyahaniinta Kurdiyiimta ayaa diidey in cadowga muslimiintu u yeeriyaan waxay rabaan waxayna dagaal kula galaan dhamaan magaalooyinka ku taxan xadka.

Kurdiyiinta oo ay caawinayaan ciidamo ay tababareen Turkiga, iyo Maraykanku ayaa ku soo jeeda hoyga argaixisada ugu weyn.

Laakiin madaxda Kurdiyiinta iyo Turkiga ayaa ka digey in ayna ku degdegin Raqqa oo argagixisadu ku xidideysatay ayna gabi ahaanba ka dhigtey dadka degan kuwo baqdin xoogleh hayso.

Lama garan karo xilliga Kurdiyiintu ku soo dhaqaaqi doonaan,,waxayse gaarsiiyeen argagixisada cashar ay kaga baqaan.

Islamic State militants in Raqqa province (June 2015)

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM