16/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Hadda waxa noogu daran oo ku soo biirey caqabadaha dalka waa Carabta: Farmaajo

Madaxweynaha Somaliya oo la hadlaayay ganacsatada ku sugan dalka Kiiniya ayaa sheegay in caqabadaha haysta dawladiisa ay farabadan yihiin oo hadda muddadii ay joogeen ay barteen waxa dalka lugaha haysta.



Madaxweynaha oo markii ugu horeysay taabtey meelaha dawladiisa laga soo geli karo si qalqal loo geliyo ayadoo la adeegsanayo maamul jufeedyo raba inay iska dhigaan dawlado gaara, ciidan gaarana samaysanaya, dastuur bugana qaba.



Madaxweynaha ayaa lagu amaanay sida uuna u faragelin cadaalad darada ka jirta maamul jufeedyadaas oo haddii uu farogeliyo keeni karta isbedel degdega laakiin sida haddaa socota iskood qarxay, maamul jufeedkastana jabhado ku tooseen.

Waxa hadda caqabadaha dalka ku soo biirey Wahaabiyada Carabta oo lacag hagar la’aana siiya shaqsiyaad ka tirsan dawlada iyo kuwa aan ka tirsanayba.



Dawlada Somaliya ayaa faraha ka qaaday Axmed Madoobe laakiin kaga tagtey go’doon siyaasadeed oo cidla cad ah ilaa la helayo nidaam loo wada dhan yahay, waxana dhici karta in magaaladaas Kismaayo ayna doorasho ka dhicin haddii aan laga saarin ciidanka Kiiniya.



Madaxweynaha Somaliya ayaa keenay xasilooni siyaasadeed laakiin ilaa hadda wuxuu dagaal ugu jiraa sidii uu isaga cabin lahaa weerarka joogtada ee lagu diidan yahay xasiloonidaas, si kuwa ku naaxsan xasilooni la’aanta u sii naaxaan.

Weerarka joogtada ah ee lagu bilaabay dawladiisa ayaa keentay in lala xisaabtami waayo oo dadkii fiirin lahaa waxqabadkiisa ay ku biireen difaaciisa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS