Magaalada Minayabolis ee dalka Maraykanka waxaa kulan ku yeeshay Jaaliyaddaha Khaatumo iyo Maakhir ee halkaasi ku dhaqan, ayadoo ujeedadu tahay sidii looga arinsan lahaa maamulkooda.
Labadan Jaaliyadood ayaa hore iskugu dayay inay maamul dhistaan waxase loo adeegsadey maal iyo kala qaybin ilaa ay Meesha ku kala yaaceen. Hadaba kulankan muxuu uga duwan yahay kuwii hore.
Jaaliyaddaha Khaatumo iyo Maakhir ayaa diirada ku saaraya Shirkooda Sidii loo Dardar gelin lahaa maamul ay yeeshaan Labada dhinac oo markan xagasha ka jabin kana hirgala deegaanada Sool, Sanaag iyo cayn.
Waxay hadda isku raaceen inaan dani ugu jirin in labadooda shacab lagu gumeysto nidaamyo la’aantood aan Jiri Karin. Waxa laga sugaa waxa ka soo baxa kulanada kale. s
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS




Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay