Gudoomiyihii hore ee gobolka Togdheer Maxamuud Ramaax ayaa Muuse Handaraab jeelka u taxaabay kadib markii Muuse walaalkii dil ugu hanjabay. Ramaax oo saxaafada la hadley intaan la xidhin ayaa sheegay inaanu cidna Ka baqayn.
Inkastoo uu Ku marmarsiyoodey marxuun Siyaad Barre iyo Cabdi Iley haddana waxa cad in Muuse Handaraab labadaaba Ka xunyahay.
Ramaax ayaa sheegay inta aan jeelka loo taxaabin inuu diidey inuu Ka aamuso musuqa baahsan ee Muuse Handaraab Ku wado gobolka. “Waxa hore la ugu yiri aamus laakiin waan diidey, qolana ma aqaan.
Afhayeenka xisbiga Faysal Waraabe ayaa waxyar kadib saxaafada la hadley xaqiijauna inĀ Ramaax jeelka loo taxaabay lagama reebay kadib markey wada tageen ayagoo wada socda.
Booliiska Muuse muxuu Ka yiri xadhiga
Booliiska Muuse we magaalada Hargeysa oo iyaguna saxaafada la hadley ayaa sheegay in Ramaax loo xidhey kadib aflagaado uu u gaystey gudoomiyaha golaha wakiilada Baashe kuna tilmaamey mid cadow Ku ah Somalilaan.
Muddadii Muuse Handaraab xilka loo dhiibey waxa jeelka loo taxaabay boqolaal dadka gobolka ah oo cidkasya Ku jirto, waxa u dambeeyay Ramaax iyo Suldaan Abshir.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay