18/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Kiiniya maxay ka tidhi weerar argagixisadu ku qaaday saldhig ciidan

Wararka Ka imaanaya Xero ay degan yihiin ciidanka cirka ee Kiiniya iyo kuwa Maraykanka ee deegaanka Laamu ayaa sheegaya in argagixisada shabaabay saakadii hore weerareen xarunta. Kiiniya ayaa sheegtay inay waabisay weerarkaas inkastoo la arkay qiiq ka baxaya xerada dhexdeeda.



Labadan ayaa cadow u ah ummada Somaliyeed waana kheyr mar hadday is weeraraeen oo wax iska dileen ayuu yiri Cali Calasow.

Dhiigmiiratada ayaa qabta dhiiga Soomaali farabadan oo ay ku xasuuqeen bishii hore magaalada Muqdisho. Maraykanka ayaa sheegta inay dileen argagixiso waxase inta badan la sheegaa inay dilaan dad shacaba oo argagixisada gabaad Ka dhigatey.



Ciidanka Kiiniya ayaa sheegay on argagixisadu goysay korontada xalay oo Axad ahayd kadibna weerarka soo qaaday saakadii hore. Afar ayaan Ka dilney, waxana waabistaas dab qabsaday bar shidaal ayay yiraaheen ciidanka Kiiniya.

Khasaaraha soo gaaray Maraykanka iyo Kiiniya

Xog madax banaan ayaa leh waxa Maraykanku lumiyay hal qof oo isugu jira askar iyo shaqaale wasaaradeed. Waxa isla garoonka lagu burburiyay laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo laba helikobtaro iyo weliba gawaadhida qufulan oo dhamantood yaalay garoonka.

Saldhigan ciidanka badda ayaa lagu tababaraa ciidanka badda ee Kiiniya ee isku diyaarinaya inuu Somaliya kula dagaalamo badeeda. Marka waa laba cadow oo isku dhacay marnaba midkood loo hiilin maayo ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS