Ayadoo aad loogu mashquulsanaa gantaalihii Iiraan ku garaacday saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq oo ilaa hadda la sugayo khasaaraha dhabta ah ee Ka soo gaaray, ayaa waxa garab socdey diyaarad rakaab oo ku burburtey caasimadda Iiraan markey kacdeyba.
Diyaarada ayaa laga lahaa dalkaasi Yukarayn waxana saarnaa rakaab gaaraya 176 oo Iiraan sheegtay inaan qofna Ka badbaadin.
Haddaba Iiraan ayaa sheegtay in 32 qof oo saarnaa diyaaradaas ay ahaayeen kuwo laba dhalasho ama baasaboor wata kana soo kala jeeda dalal badan.
Sawirka hoose waa nooca diyaarada dhacdey
Dalalka ay ka soo jeedaan dadkii ku dhintey diyaaradaas ayaa kala ah 63 u dhashay Kanada, 3 Jarmala, 3 Ingiriisa, iyo 10 Iswidhan u dhalatey halka inta kale Ka soo jeedaan Iiraan iyo Afqaanistaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay