20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dagaal laba dumara ku dhexmaray masjid Somali ah oo mid farta la goostey

Wararka naga soo gaaraya magaalada Ooslo ee dalkaasi Norway ayaa sheegaya in masjid Somali leedahay uu dagaal ku dhexmaray laba dumara mid ka mid ahna la goostey farta. Booliiska Norway ayaa sheegay in ay ogyihiin labada dumara ee dagaalamay.



Labada dumara ee dagaalamay ayaa mid da’deeda lagu sheegay 30 jir halka mida kalana lagu sheegay 50 jir. Waxa hore u jirey muran u dhexeeya Somalida oo  cirka isku shareeray qasbeyna in dawladu soo dhexgasho.



Booliiska ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan sidey wax u dhaceen marka ay dhameeyaan  baadhitaankooda. Ma sheegin in labadan dumara ay yihiin Somali iyo in kale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS