21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada Somaliya oo loogu baaqay inay joojiso dadka ka imaanaya Talyaaniga

Wararkii ugu dambeeyay ee cudurka hargabka Shiinaha ayaa Talyaanigu noqdey kan ugu weyn ee faafinaya. Wadamada ugu badan ee hadda uu gaaray ayaa waxay ka qaadeen Talyaani booqdey.



Wadamo badan ayaa joojiyay duulimaadyada ka imaanaya Talyaaniga iyo weliba dadka dalxiiska ah. Koofurta dalka oo xiriir toosa la leh Talyaaniga ayaa laga baqayaa in uu soo gaaro.

“Waxaa laga baqayaa in Somalida joogta Talyaaniga ay dib ugu soo safraan dalka waana walaaca ugu weyn, xilli dawladu joojisay Somalida Shiinaha inay dalka Ku soo celiso ayuu yiri Cali Calasow.



“Dawladu ha mamnuucdo socdaalada Talyaaniga oo ah hadda faafiyaha ugu weyn haddii kale waxa halis loogu jiraa in dalkeena oo faqiira uu xanuunka ugu darsamo Ilaah ha inaga hayee ayuu raaciyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS