Wararka ka imaanaya magaalada Baladxaawo ee dhawaan ciidanka dalka ku baacsadeen maleeshiyo Kiiniya dabada ka waday ayaa sheegaya in wasiir ka tirsanaa kooxda Axmed Madoobe samaystey ee Kismaayo uu isaga soo cararay.
Wasiirkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Baladxaawo. Masuuliyiinta gobolka Gedo iyo ciidanka ayaa soo dhaweynta ka qayb qaatay.
Isa soo dhiibka wasiirkan ayaa ku timi wadahadal hoose oo ah in amnigiisu sugan yahay. Baxsadka wasiirkan ayaa dhabarjab weyn ku ah Axmed Madoobe oo Kiiniya ku adeeganayso.
Ma noqonayso markii ugu dambeysay oo muwaadiniin iyo Somali caqli leh ka soo cararareen maamulka Kiiniya ee Kismaayo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay