21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xarun ay deganaayeen ururkii Ahlu Suna oo Galmudug dayactir ku bilowdey: SAWIRO

Xarunta Inji ee ku taala Dhuusamareeb ayaa si wadajira u dhisay dadka degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel waxayna ka koobneyd aruno la seexdo, goobo lagu shiro iyo qayb ay deganaayeen madaxdii Ahlu suna ee iyagu  diidey inay dhiig daadiyaan.



Waxa qaybo ka mida ku burburtey dagaalkii koobnaa ee dhexmaray madaxa cusub ee Galmudug iyo Ahlu sunna oo la garan waayay siduu ku bilowdey.




Haddaba madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay inay dayactir u bilaabeen xaruntan muhiimka ah ay noqon doonto goob ay ku shaqeeyaan si ku meel gaara.

”Somalidu inay isku tahato mooyee cidkale circa ugama soo dhacayso ayuu yiri Cali Calasow. Xarunta xoog laguma qabsan ee waxa Ahlu Suna diidey in dhiig Muslimiin isku daato.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS