21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasiir Kiiniya u soo dirtey Muqdisho oo ka hadlay safarkiisa

Waxa magaalada Muqdisho yimi wasiirka arimaha gudaha Kiiniya oo uu soo direy madaxweynaha Kiiniya ayadoo ay baryahan jirtey xiisad dagaal oo ka soo korodhey gobolka Gedo. Ciidamo jufeed ay Kiiniya wadato ayaa isku dayay inay weeraraan ciidanka Somaliya.



Kadib waxa jirey xiriir teltoon oo u dhexeeya labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Uhuru oo looga hadlay sidii loo dejin lahaa xiisada. Kiiniya ayaa loo sheegay in dalkeeda Ka saarto maleeshiyada baxsadka ah.



Wasiirkan arimaha gudaha ee Kiiniya ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa inuu ka sii ambaqaado wadahadalka labada dhinac la siina xoojiyo sidii loo dhamayn lahaa maleeshiyadaas iyo guud ahaan sidii maamul loogu samayn lahaa Jubooyinka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS