Dawlada Turkiga ayaa bilowday inay dib u soo daadgureeyso tahriibeyaal jooga xadka dalkiisu la wadaago Giriiga. Dadkan oo u badan Siiriyiin, Afqanistaan iyo Bakistaan ayaa ka soo baxay Turkiga ayagoo raba inay nolol ka raadsadaan wadamada Yurub.
Kadib markii Giriigu xirtey xadkiisa waxa dadkaas ku dhacay inay dhaxan xuni ku disho xadka. Waxa xadka ka gudbey ilaa 80-kun oo nolol raadisa ama ka soo qaxay Siiriya.
Ayadoo hadda ay jirto khatarta cudurka Kooro ayaa Turkigu bilaabay inuu dadkaas basas ku soo guro kuna guro meelo lagu takooro inta la baarayo xaaladooda caafimaad kadibna la sii daayo.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay