Allaha u naxariistee xildhibaan Nuur Rayaale Kheyre ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Xildhibaanka ayaa Ku biirey golaha guurtida maamulka Somalilaan sanadii 1993. Wuxuuna Ka mid yahay xildhibaanada ugu muddada dheer ee maamulka.
Xildhibaanka ayaa maanta oo Jimce ah lagu aasi doonaa magaalada Boorama oo uu Ka soo jeedo. Xildhibaanka ayaa mudooyinka dambe u jiifay xanuun ku soo booday magaalada Hargeysa.
Wuxuu qayb Ka ahaa nabadeyntii beelaha ISAAQ iyo maamul u samayntii beesha ee loogu sameeyay Boorama. Horjoogaha maamulka Muuse Biixi iyo gudoomiyaha golaha guurtida ayaa tacsi u direy ehelada iyo qoyska Nuur Rayaale.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay