24/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dad looga shikisan yahay cudurka Kooro oo Jabuuti ka imaanaya soona galaya Awdal

Dad Ka soo cararaya cudurka Kooro ee hadheeyay Jabuuti ayaa Ku soo qulqulaya gobolka Awdal oo ayna jirin kiisas cudurka Kooro ah. Dadkan oo aan soo Marin marinka lagu dhaco ee Lawyacado kana soo wareegay Itoobiya ayaan haba yaraatee laga joojin gobolka.



Dadka lagu arkey gobolka Awdal iyo magaalada Gebilay ayaa ah sida da ah oo isugu jira rag iyo dumar xilli la filayo in bisha Ramadaan ay curato caawa haddii kalana Jimcaha ay noqon doonto maalinta koowaad.



Waa wax lala yaabo in dadkaasi Jabuuti Ka soo cararaya ay u soo gudbaan gobolka Awdal waxay doonaanba ha qabaane ayuu yiri Xuseen Warsame. Xukunka diinteena ayaa ah joog halkaaga marka masiibo timaado.



Dabcan dadkan soo cararay ayaa ah dad eheladoodu joogaan gobolka Awdal oo si toosa ugu hoyanaya guryaha ehelada iyo xataa kuwo ay leeyihiin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS