Dawlada Kiiniya ayaa magdhow aad u farabadan siinaysa askar ku dhintey difaacii jaamacada Gaarisa ee argagixisada shabaab ku xasuuqdey boqolaal ardey ah oo aan waxba galabsan. Magdhowdan oo gaaraya 600 oo milyan shilinka Kiiniya ayaa dawlada Kiiniya fasaxdey sanadkii hore waxana ku jira dad badan oo qoysas ah oo uu ka baxay aabihii nolol maalmeedka keenayay.
Dadkan oo ay ka buuxaan muslimiin aad u farabadan oo iyaguna ku nafwaayay xasuuqyo kale iyo kan Gaarisaba ayaa iyaguna isku diyaarinaya in ay helaan xaqooda.
Argagixisada caalamiga ah ee shabaab ayaa subax hore xasuuq ku bilowdey jaamacada Gaarisa waxana goobta ay ku dileen ilaa 142 ardey waxana dagaalxun la galay muslimiin badan iyo askar iyagu diidey in ay baneeyaan goobtooda.
Weerarada argagixisada oo gaadmo ah ayaa keenay in ay dhintaan arday aad u farabadan oo intooda badan hurdey ama markaas uun hurdada ka kacay.
Waxa kale oo dawladu lacago siinaysaa dadka sida xun u dhaawacmey ee ayna suuragal ahayn in dib ugu shaqeeyaan qoysaskooda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay