Waxa duleedka Xiingalool ee gobolka Sanaag lagu aasay laba caruura oo midi yahay 5 jir ka kalana yahay 7 jir kadib markii iyagoo hurda uu qaniinay bahalka loo yaqaan Gungume. Dadka deegaanka ayaa uga naxay arintan.
Tuulada Dharkaynta ee u dhow Xiingalool oo ah dhul miyi ah ayaa sheegay in caruurtu isla markiiba geeriyoodeen, saakana lagu aasay isla deegaanka.
Dad aad u caraysan ayaa raadiyay bahalkaas si looga badbaadiyo dadka kale laakiinse laguma guulaysan in la helo. Lama garan karo sida bahalku ku soo galay aqalka ay hurdeen labadan caruurta ah.
Dhacdadan xanuunka badan ayaa aad looga hadal hayay tuuladaas iyo deegaanada u dhow ayadoo loo soo wada gurmaday dadka masiibadu ku dhacdey.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay