20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maleeshiyo kala taabacsan Butlaan iyo Galmudug oo ku dagaalamay Gaalkacayo

Labadan maleeshiyo ee kala taabacsan maamulada Butlaan iyo Galmudug ayaa markale dagaal ku dhex maray deegaan aan ka fogeyn Gaalkacayo. Dagaalkan ayaa daba socda dagaal usbuucii hore ku dhexmaray labada maleeshiyo.



Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas aya lagu sheegay ilaa 5 qof oo u badan labada dhinac, ayagoo isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka.

”Waxa muuqata inayna welli kala dhergin ayuu yiri Cali Calasow waxana yar niyada loo qabo in la soo afjaro colaadaas oo loo malaynayo inay salka ku hayso dhul iyo beero.



Labada maamul ayaa midba dhinaciisa sheegay inay ku baxeen colaada si loo soo afjaro. Deegaanka dagaalkan u dambeeyay ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Teeraga, waxayna u dhowdahay Gaalkacayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS