Sida ay uu qorey wargeys ka soo baxa dalkaasi Talyaaniga waxa Salaasadii isku dhici gaaray markab huba oo Erduqaan u waday iyo mid Giriiga oo xoojinaya cunaqabataynta saaran Liibiya.
”Markii diyaarad helikobtara oo Giriigu lahaa ay soo dul istaagtey marka Turkiga ee hubka sida wuxuu markabkaasi dalbaday inuu soo gaaro markab kale oo dagaal oo Turkigu lahaa oo joogay badda u dhaxaysa Carabta iyo Yurub.
Intii aan isku dhac imaanin ayaa waxa soo kala dhexgalay markab kale oo Talyaanigu leeyahay oo isna loogu talogalay ilaalinta xeebaha oo amrey helikobtarta inay dib u soo noqoto.
Tani waxay imaanaysaa iyadoo Yurub samaysay kolonyo maraakiiba oo xoojiya cunaqabataynta saaran Liibiya ee inta badan uu jabiyo Erduqaan oo ku dagaalamaya saliid ay u saxiixdey maamul usbuuc kahor joogey qayb ka mida caasimada.
Markabkii ayaa loo ogoladey inuu sii wato socdaalkiisa ku jeeda Liibiya.
Dhinaca kale Taram ayaa ka joojiyay Masar inay ciidankeedu soo galaan Liibiya si ay uga hortagaan in ururka akhwaan Muslimiin ee Erduqaan soo hubeeyay ay ku soo fidaan bariga dalkaasi iyo goobaha saliida.
Erduqaan ayaa diidey xabad-joojin Masar ku dhawaaqdey oo looga gol lahaa in labada dhinac ee aan isku awoda ahayn loogu sameeyo wadahadal.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay