Muqdisho–Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya in la soo afjaray mid ka mida weeraradii argagixisada shabaab ku qaadeen huteelo ku yaal Muqdisho oo kala huteel Weheliye iyo huteel Siyaad oo u dhow madaxtooyada. Weerarkii huteel Weheliye ayaa lagu guuleystay in dhamaan la dilo argagixisada iyadoo uu jiro khasaare maadaama ay ku tuureen huteelka qoryo waaweyn.
Ujeedada argagixisada ayaa ah in ay dilaan cidkasta oo ku jirta huteelka waana sida rasaasta xoogan ay u ugu soo dhiibeen kuwa ay maskaxda ka qabsadeen una sheegeen in ay janno galayaan.
Ilaalada huteel Weheliye ayaa lagu amaaney sida ay uga hortageen weerarka una soo afjareen weerarka. Waxase wali wararku sheegayaan in hutel Siyaad aan la soo afjaran xilliga aan warbixintan qoreyno oo ah saacada Muqdisho 07:20 fiidnimo.
Weerarka ayaa ku bilaabmey gaatri Noah ah oo argagixisadu weerarka u gaysteen iyadoo ku qarxiyay goob u dhow labada huteel.
Khasaaraha dhabta ayaan la xaqiijin Karin inkastoo nabad sugida Somaliya sheegtay in dadka dhintey ay ahaayeen dhamaan dhiigmiiratada shabaab oo uu ku qarxay gaarigu. Ma jirto dhinaca dawlada wali cid si rasmi uga hadashay iyo tirada dhabta ee ku nafwaayay huteeladan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay