November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

U.S. President Donald Trump welcomes Turkey's President Tayyip Erdogan at the White House in Washington, U.S., November 13, 2019. REUTERS/Tom Brenner TPX IMAGES OF THE DAY - RC2HAD9SK03C

Erduqaan oo dabada gashadey Taram dagaalka uu ka wado Liibiya

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay inuu Taram kala hadley dagaalka uu ka wado Liibiya ayna isla garteen in Liibiya weji cusub loo furo. Ma faahfaahin waxa uu uga jeedo in Liibiya weji cusub loo furo.



Erduqaan oo hoosta xiriir fiican uu kala dhexeeyo Yuhuuda kana wada shaqeeyaanYuhuuda sidii ay dawlada Siiriya u burburin lahaayeen ayaa ku faanay in hubkii iyo ciidankii uu geeyay Liibiya ay gulo soo hooyeen.

Waxa lagu soo waramayaa in calooshood u shaqaysteyaasha u dagaalama Erduqaan ay siiyaan 2000 oo doolar bishii lacagtaasna ay bixiso Qadar.



Erduqaan ayaa sidoo kale diidey in uu aqbalo xabad-joojin uu ku dhawaaqay madaxweynaha Masar ee dalkiisu xadka la leeyahay Liibiya, sheegayna inuu dagaalka sii wadayo ilaa uu ka qabsado goobaha saliida ee ay ugu horeyso magaalasda Sirte.



Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka qaranka Liibiya ay joojiyeen weerar ciidanka Erduqaan ku soo wadeen Sirte. Erduqwaan ayaa marna Yuhuuda ku xidha markey dantiisa tahay marka kaana iska dhiga nin u dagaalama qadiyada Falastiin. Marka kalana ee ay ku xumaatana u carara Ruushka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS