November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Faahfaahin bam argagixisadu aastey oo dad ku dhinteen Muqdisho

Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaysa bam argagixisadu ku aastey wadada agteeda oo ay ku dhinteen dad shacaba qaarna ku dhaawacmeen. Argagixisada ayay caadi u tahay inay ku quraacdaan dhiiga Muslimiinta kuna qadeeyaan.



Bamka ayaa ku qarxay gaari booliisa oo wadada marayay waxana la sheegayaa inay ku dhinteen sadex shacaba halka qaar kalana ku dhaawacmeen. Maaha markii ugu horeysay ee dhiigmiiratadu xasuuqdo dadkeena.



Ciidamo ka tirsan kuwa booliiska ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay waxana dadka dhaawacmey loo dalbadey gawaadhida gurmadka oo qaaday.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS