Weriyihii caanka ahaa ee C/qaadir Maxamed Mursal ee sida weyn looga yaqaanay dalka oo dhan ayaa ku geeriyoodfay dalkaasi Maraykanka. C/qaadir oo ka soo shaqayn jirey Radiyo Muqdisho waqtigii dalku dawlada lahaa ayaa la sheegay inuu u dhintey cudurkan Koroona.
Ehelada C/qaadir ayaa sheegay in xalay uu ku geeriyooday isbitaal ku yaal Maraykanka gaar ahaan Miniyaabolis. Allaha u naxariistee Cabduqaadir Mursal ayaa in muddo ah ku noola magaalada Nairobi, waxuuna sanadkii 2014-kii uu u wareegay cariga Mareykanka.
C/qaadir ayaa isla markiiba ku guulaystey inuu aasaaso Raadiyow lagu magacaabo Codka Soomaalida Mareykanka Raadiyo Kaali. Weriyahan ayaa isagu ka baydhey inuu ka soo hadlo idaacadaha cadowga sida BEEN BEEN SII.
Ina lilaah waa inaa ilayhi raajicuun.
C/llaahi Warmooghe
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay