November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Suudaan oo dalbatey lacago balaayiina si ay u aqoonsato Yuhuuda

Maraykanka iyo Imaaraadka oo ka shaqaynaya sidii ay u soo xero gelin lahaayeen wadamo ay ku jirto Suudaan ayaa ku fashilmey kadib markii laysku af-garan waayay lacagta ay dalbatey Suudaan.



Imaaraadka oo rabay inuu iibsado Suudaan oo faqiira haddana ay ka jiraan khalkhal siyaasadeed oo dibedda inta badan laga wado ayaa Suudaan u soo bandhigey hal bilyan oo doolarka Maraykanka.

Lacagtaan ayaa waxa wada yaboohay Maraykanka, Yuhuuda iyo Imaaraadka, waxayna ugu talogaleen inay shidaalka kaga caawiyaan laakiin Suudaan ayaa dalbatey sadex jibaar lacagtaas sida uu sheegay xog Maraykanku bixiyay.



”Waa fashilmey soo xero gelintii Suudaan ayuu yiri xoghaye ka hadlay arinta laakiin diidey in la sheego magaciisa.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in dal uu ku jiro Suudaan uu iibsan karo adiyada dhulka Carabta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS