20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Rag ku hawlanaa afduubashada gabadh yar oo gacanta lagu dhigey Afgooye

Ciidanka amniga ee magaalada Afgooye ayaa gacanta ku dhigey laba nin oo ku hawlanaa qafaalashada gabadh yar oo maalin la weysanaa. Ehelada gabadha ayaa soo wargeliyay laamaha amniga.



Raggan oo dhalinyaro ayaa kadib afduubashada gabdhaha yaryar waxay u geeyaan shabakad ka ganacsato oo loo malaynayo inay sii iibiyaan ama kala baxaan qaybaha jirkooda.

”Waxaan ragaan ka qabanay rug ay gawaadhidu ka baxaan oo ay rabeen inay gabadha u geeyeen shabakadaas. Waxayna qirteen inay gabadhiiba ku heli jireen lacag dhan 500.



Somaliya oo baahi weyn ka jirto dawlad la’aan awgeed ayaa dadku sidii dugaagii isku ugaarsanayaan ayagoo shilimaad yar siisanaya naftooda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS