27/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ayax tiro badan oo soo laba kacleyn ku haya wadamo Somaliya ku jirto

Hay’adda beeraha aduunka ayaa ka digtey Ayax tiro badan oo ah ugxantii sanadkii hore inuu ku soo wajahan yahay geeska Afrika iyo bariga Afrika. Wadamada Somaliya, Kiiniya iyo Itoobiya ayaa halis badan ku jira.



Hay’adda oo soo saartey oo warbixin soo saartey ayaa sheegtay in raxan koronkoro ah ay ku sugan yihiin Itoobiya halka jiil cusub oo Ayaxa uu ku jiro bartamaha dalka Somaliya.

Gobolada Butlaan iyo Hiiraan aya iyagu qaylo dhaan ka direy Ayaxan dhameeyay dalagii iyo doogii soo baxay ee ay keeneen nimcooyinka Rabi.



Weli taranku wuxuu ka socdaa dhul xeebeedka halkaas oo laga baqayo inuu dib uga dilaaco. Waa Ayaxii ugu darnaa ee geeska Afrika soo wajaha muddo dheer.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS