Wasiirka cusub ee warfaafinta Somaliya Cismaan Abokor Dube ayaa si hore uga dhici jirin wasiirada Somaliya kabaha ula dulmaray Faysal Cali Waraabe oo lagu yaqaano cuqdad gelinta dhalinta Hargeysa iyo Burco 30-kii sano ee u dambeeyay.
Faysal Cali Waraabe ayaa shir beesha balaadhan ee DIR ku lahayd magaalada Nayroobi ka qayb galay halkaasd oo uu ka sheegay in beeshu qaadato doorkeeda oo is muujiso. Wuxuu sheegay in hadda labada kursi ee muhiimka ay u xiran yihiin Hawiye, Daarood iyo Raxanweyn ayna ku heleen siyaasadooda.
Beesha DIR oo aad u kala jabsan ayaa kuraastooda la kala iibsadaa. Haddaba wasiirka warfaafinta oo arintaa ka hadlaya ayaa yiri “Dad badan baa i soo weydiiyey shir ka dhacay Nayroobi oo beelo Soomaaliyeed ku shireen. Waa wax la fahmi karo in dhaqan ahaan beeluhu u shiraan, qaybaha kala duwan ee bulshaduna mar walba way shiraan, wayna la shaqeeyaan dawladooda. Laakiin waxa indhaha dadweynuhu gaar u qabteen nimankii midnimada Shacabka Soomaaliyeed hortaagnaa 30-ka sano, ee weliba cuqdadda iyo xumaanta ku dhex beerayey, ee laga kari waayey walaalayaalow kaalaya oo Soomaali oo isku dhan taladeeda ka qayb-qaata in ay hadda shirarka beelaha iyo Nayroobi ka dhex raadinayaan sidii ay habeen madow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii Soomaaliya ee ay 30 ka sano caayayeen.
Hadalka wasiirka oo runa ayaa haddana xaqiiqdu tahay in beesha DIR ay qaadato kaalinteeda oo isku huraan cida ay u xulanayaan in uu noqdo madaxweyne inkastoo kartida intaas leeg iyo lacagta ayna midna haynin.
Wuxuuse wasiirku ku baaqay in dadka ku shirey Nayroobi ay laftoodu ka soo dhex muuqdaan siyaasada Somaliya oo ka baxaan cuqdad gelinta dhalinta Hargeysa iyo Burco.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay