Madaxweynaha la garaacay ee dalkasi Maraykanka xagjir Taram oo dunidu ka raysan doonto cuqdadiisa iyo xagjirnimadiisa ayaa calaacalkii ka dhamaaday. Wuxuu leeyahay joojiya tirinta codadka oo macnaheedu yahay halka ku daaya oo guusha i siiya.
Inkastoo aduunka badankiisu xiiso sidaa u weyn u qabin doorashada Maraykanka maadaama aanu hadda dunida muhiim u ahayn ayaa haddana waxa xagjir jebiyay faan dalkiisu caan ku ahaa oo ah inay yihiin aabaha waxa loogu yeero dimoqraadiga iyo bila musuqa.
Wuxuu qirtey in dalku yahay aabaha musuqa iyo dibu dhaca, qofkii ku deydaana uu ku dhacayo hog aanu ka soo bixi karin.
Waxaad is weydiin kartaa cabaadka ka baxaya xagjir Taram halka uu gaarsiin doono waayo cid uu aaminsan yahay ayaa iska yar, lamana yaabayno waa aabihii musuqa ayuu yiri Xuseen Warsame.
Rajada doorashada
Rajada uu hadda leeyahay xagjir Taram ayaa yar ayadoo hadda la sheegay in gobolka Joorjiya uu u codeeyay JOO BAYDAN, haddii uu sidaa ku daayo dalkana waa cuqdad iyo jaahilnimo kahor wareegtay aduunka.
Madaxweynaha hadda guusha wata ayaa 77 jira lagamana yaabo inuu dhamaysto xukunka, waxana xisbigiisu dooran doonaa Kamala Harris oo ka soo jeeeda Jamayka laakiin ku dhalatey Maraykanka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS