12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada Somaliya iyo Itoobiya oo is dhaafsaday macluumaadka askartooda joogta Koofurta dalka

Xilli ciidanka Itoobiya gudaha u galay gobolka Tigree uuna xoreeyay deegaano balaadhan oo galbeedka gobolkaasa ayaa waxa jirey warar sheegaya in Itoobiya ciidankeeda kala baxayso deegaano ka mida Koofurta Somnaliya.



Ciidanka Itoobiya ayaa ka mida ciidamada AMISOM ee laga biilo Koofurta dalka. Haddaba dagaalka gobolka Tigreega ayaa Itoobiya u baahatey inay dib u fiiriso ciidankeeda jooga Somaliya.

Ma jirto qorshe ah in ciidanka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM laga saarayo dalka, waxase jira in meelo badan oo degan oo uu joogo ciidanka xooga dalka ee Somaliya aan looga baahneyn kuwa Itoobiya.



Safiirka Itoobiya u jooga Muqdisho ayaa sheegay in keliya ay jirto dib u eegis mustaqbalka dhow laakiin Itoobiya haysato ciidan ku filan oo dib u soo celin kara gobolka Tigreega.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS