18/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Nabadoon Muqdisho lagu diley oo welli la aasin iyo waxa dhacay

Waxa sabtidii magaalada Muqdisho lagu diley nabadoon lagu magacaabo Muxumad Cismaan Cagey (Bidaar), waxana dilka gaystey askari ka tirsan dawlada xilli nabadoonku joogey agagaarka daarta Saybiyaano oo ay u dhaweyd bar xanibaad.



Meydka Marxuumka ayaa habeenkii labaad ku baryay qaboojiyaha, waxana eheladu ka codsadeen taliska ciidanka booliiska Soomaaliya in marka hore lasoo qabto askariga dilka geestay kadibna ay aasi doonaan marxuumka.

Gacan ku dhiiglaha dilka gaystey ayaa la sheegay inuu ooda jabiyay waxana wararku sheegayaan inuu u baxsaday dhinaca gobolka Shabeelaha Hoose oo la tuhunsan yahay inuu ka soo jeedo.



Aabaha askariga dilka geestay oo isna ah sargaal ka tirsan ciidanka dowlada ayaa la sheegay in looga yeeray xarunta dembi baarista si uu u caawiyo baarista, asaguna u noqdo damiin.

Dilalka askartu gaystaan ayaa inta badan dhaca ayadoo ayna lahayn khibrada dadka loola macaamilo iyo dadka qaar oo aan la shaqayn askarta xilli uu jiro kala shaki xoogan maadaama argagixisada ku soo dhuuman karto.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS