12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Jeneraal qas ka waday Beledweyne oo lala simay argagixisada

Waxa intii la doortey horjoogaha cusub ee maamulka aan jirin ee Hirshabeele qas weyn ka riday magaalada Beledweyne Jeneraal loo yaqaan Xuud oo maleeshiyo aruursaday asagoo diidan hanaanka loo maray doorashada Jowhar, inkastoo la eryaday.



Haddaba abaabduulaha ciidanka qaybta 27-naad ayaa sheegay in uu jeneraal Xuud u aqoonsan dono inuu la mid yahay argagixisada Shabaab haddii uuna joojin qaska uu wado.



“Waa nasiib darro in magaalada dhexdeeda weerar baasuuke loo adeegsanaayo uu ku soo qaado mid ka mid ah Jeneraaladii dalka soo maray balse waxaan cadeynayaa in maanta kadib Jeneraal Xuud iyo argagixisada shabaab noo mid inoo yihiin” ayuu yiri Jenaraal Saalax Yacquub.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS