Jalalaqsi 25 Dec 2014–Xanuun wata xumad kadibna dadku ay degdeg u dhimanayaan ayaa laga sheegaya gobolka Hiiran gaar ahaan magaalada Jalalaqsi halkaas oo aan lahayn gabi ahaanba xarumo caafimaad oo dadka eega. Jalalaqsi ayaa waxa ku hareeraysan argagixisada shabaab mana jiraan wax adeega oo ka jira.
Gudoomiyaha degmada oo idaacadaha la hadlay ayaa dalbaday in si deg dega loo soo gaaro waxase uu sheegay in hadda aad moodo inuu yaraaday laakiin aan la garanayn inuu soo noqon doono.
Xarunta caafimaad ee uGu dhow ah magaalada caasimada ee Beledweyne iyo Muqdisho mana jiraan xarumo caafimaad maadaama tuulooyinka ay joogaan argagixisada shabaab.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Abuur Maraykanku ku soo daayay Somaliya oo beeraha wax u dhimay
Maxay Yukraynta Maraykanku wato u weeraraysaa warshad halisa?
Cudur kale oo halisa oo ka dilaacay Gaana