November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Maxaa sababay in banaanbixii ay ku baaqeen musharixiinta Hawiye uu fashilmo beri

Waxa maalinta beri magaalada Muqdisho loo balansanaa in musharixiinta Hawiye ku dibiro dhacsadaan dadka Muqdisho kadib marki loo ogolaaday inay banaanbaxaan inkastoo loo sheegay in magaalada hargabka Karoona la ciireyso amniguna u fiicneyn dadka banaanbaxaya.



Musharixiintan Hawiye oo ku xiran kooxda sheegata beesha caalamka ee XALANE fadhida iyo kuwa dabada ka riixaya sida Kiiniya iyo Imaaraad ayaa ogaadey inayna jirinba cid ay soo kicin karaan oo u diyaara in lagu dibiro dhacsado ayuu yiri Cali Calasow.

”Ani waxaan maray dhamaan degmooyinka ay sheegteen in laga soo baxo hase yeeshee markaan weydiiyay dhalinyarta waxa midkasta igu yiri adeer ani maxaa i waalay maxaase la ii sheegaa ma inta aan hadda ogahay ee ah inay horjoogaan doorashada mise wax kale ayuu raaciyay Cali Calasow.



Si kastaba ha ahaatee fashilka ku yimi sheekada banaanbaxa iyo sawirada ay kooxda XALANE ka qaadanayso goobta ayaa hadda u muuqda mid aan dib dambe u dhici doonin ayuu ayay tiri Luul Xayle. ”Anaga ma dad xayawaana ayaan nahay oo sawiro laga qaato kadibna lagu caayo dawladeena ayay raacisay.



Shariif Sh Axmed oo ah gudoomiyaha musharixiinta beelaha Hawiye aya hadda leh waxaan u joojinay halista hargabka karoona oo uu na leeyahay hadda waan garowsanay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS