23/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xisbiyada xorta ah oo hadda afka furtey dalbadeyna doorasho qof iyo coda

Xisbiyada xorta ah ee dalka ka jira ee iyaga la afduubtey ayaa hadda afka furtey sheegayna in dalku u dareero doorasho qof iyo coda si looga baxo jahwareerka ay keentay in taladii dalka loo gacan geliyo dad aan ehel u ahayn aakuna jiraan kuwo hore u fashilmey, dalakana gatay iyo kooxda sheegata beesha caalamka oo wadata horjooge Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.



Kooxda sheegata ee horjoogta in doorasho dhacdo ayaa kolba miiska soo saarta shuruudo cusub markey arkaan in doorasho loo dareerayo. Waxay toos u wataan labada fadhiid ee la dhowrato ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe halka musharixiinta Hawiye ku xiran yihiin Imaaraadka iyo XALANE.



Haddaba musharixiinta xorta ah ayaa afka furtey sheegayna in dalku u dareero doorasho qof iyo coda, waxase hubaala in kooxda sheegata beesha caalamka ay diidi doonaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS