November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dawlada oo ku qososhay horjooge Siciid Deni oo yiri ciidanbaa igu wareegsan

Waxa berito lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo shirkii lagu saxiixayay dhamayatirka doorashada oo ahaa in la qabto bishii hore laakiinse kooxda sheegata beesha caalamka ay diideen inay yimadaan.



Haddaba afhayeenka kooxda sheegata beesha caalamka horjooge Siciid Deni ayaa yiri ciidamaa igu hareeraysan wuxuuse ilaaway inuu la degan yahay isla kooxda XALANE.

Wasiirka warfaafinta Somaliya oo la yaabay horjoogahan ay wadato kooxda XALANE ayaa yiri waa been jaa waxba ma oga waana loo sheegay.



Shirka berito ee madaxweynuhu markii lixaad ku baaqay ayaa marmarsiiyuhu yahay in kooxda sheegata beesha caalamku inayna tegin.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS