Madaxweynaha Maraykanka Joosof Baydan ayaa ka dalbadey madaxweynaha Ruushka Buutin inuu si degdega ula kulmo. Baydan oo hore dilaa ugu tilmaamay Buutin ayaa hadda dareensan inuu degdeg u soo celiyo xiriirka labada dal.
Ruushka ayaa hadda ciidamadisu joogaan xadka Yukarayn halkaas oo ay wacad ku mareen inay difaacaan dadka Ruushka ah ee ku nool Yukarayn oo laga baqayo in Yukarayn xasuuqdo.
Ruushka ayaan welli safiirkiisii Maraykanka u fadhiyay dib ugu celin halkaas waxayna ka mid tahay waxyaabaha ugu weyn ee looga hadli doono kulanka oo ka dhici doona Fiyeena.
Ruushka ayaa raba in laga qaado cunaqatayn farabadan oo shirkadaha dalkiisa lagu soo rogey, laakiin arintaas uma socdo Baydan wuxuuse rabaa inuu gurto midhaha kolba inta uu jecelyahay.
Ruushka ayaa hore u sheegay inaan Maraykanku u sheegan karin awood. Labada wadan ayaa meelo badan is weydaarsada tiknoolajiyada sida hawada sare oo Ruushku ku garaacay marhore.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay