Garabkii diyaaradeed ee ku soo caaridey jasiirad uu Faransiisku xukumo oo ku taal badweynta Hindiya ayaa soo gaaray Faransiiska. Garabkan diyaaradeed ayaa loo malaynayaa in uu yahay garab ka hadhay diyaaradii Malaysiya MH370 ee la waayay sanadkii hore ee sida la ogaadey ku dhacdey badweynta loo bixiyay Hindiya.
Khuburada baadha diyaaradaha ayaa ku bilaabi doona baadhitaan si loo ogaado in garabkani yahay kii diyaaradaas la waayay iyo inkale. Hadii uu noqdo iyadii sida laga saadaalinayo waxay ka dhigan tahay in lagu socdo wado saxa baadhitaanka hadda lagu jiro si loo helo halkii ay ku dhacdey.
Waxa hadda la baadhayaa masaafo isku jirta ilaa 3000 oo km iyadoo la raadinayo halka ay kaga dhacdey biyaha taas oo laga heli karo macluumaad badan iyo waliba dad dhintey maydkooda.
Natiiijada Baadhitaanka ee garabkan ayaa la filayaa in uu soo baxo Arbacada ama Khamiista usbuucan iyadoo la isku barbar dhigayo lambaro ay lahayd diyaaradaas dhacdey ee MH370. Waxa Faransiiska iyaguna tagey khuburo ka socda Malaysia.
Waxa kale
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay