November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Faahfaahin ka soo baxaysa qarax argagixisadu ka fulisay Muqdisho

Qarax ayaa argagixisadu ka fulisay Muqdisho gaar ahaan agagaarka isgoyska Macalin Nuur oo ah goob aad u mashquul badan ayna wax ku iibsadaan dan dadyara. Dhiigmiiratada ayaa inta badan eegata dhulka mashquulka badan si ay ugu faraxdo.



Laamaha amniga ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dad iyo duunyo. Goobta ay qaraxa ka fuliyaan ayaa lagu iibiyaa noocyada kala duwan ee kaluunka iyo hilibka.

Laamaha ayaa ilaa hadda xaqiijiyay shahiidnimada laba qof iyo dhaawaca oo gaaraya ilaa 9. Lama garanayo inuu dadka dhintey uu ku jiro naftii haligihii qaraxa fuliyay.



Maaha markii ugu horeysay ee dhiigmiiratadu xasuuqdo shacabkeena xilli siyaasada dalku hadda u jihaysto doorasho 4.5 ah.

C/llahi Warhaye

ARAABINEWS