22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Suldaan Wabar qadiyada sida uu ugu dhawaaqay ma xumayn laakiin wadadii ayuu ka leexday iyo shirkii dooxada Geb wuxuu ahaa fashil: Siyaasi Obsiiye

Siyaasi Maxamed Cabdullaahi Obsiiye ayaa shir jaraaid ku sheegay in Suldaan Wabar sida uu qadiyada ugu dhawaaqay ay ahayd si wanaagsan laakiin hadana uu ka leexday wadadaa fiicneyd sheegayna in dib laysugu noqdo oo la saxo qaladaadka jira oo uu faahfaahiyay…Dhinaca kale wuxuu sheegay in shirkii dooxada Geb uu ahaa Fashil kii yiraa Fashil maaheyna aniga ila doodo.

Wuxuu intaa ku sii daray in Samaroon ay furan tahay wadooyin badan oo ayna cidna ka liidan..Mar uu taabtey Xirsi Tooriile ayuu sheegay in Xirsi qirey in SNM xasuuqdey Samaroon laakiin aan leehay si raganimo u qiro walise uu raadinayo cid u jawaabta.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM